Jabuuti oo dalkeeda ka ceyrisay Xildhibaan u ololeeya in Somaliland dowlad noqoto

0
44

Garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti ayaa laga celiyay xildhibaan u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Tim Loughton, kaa oo si weyn ugu ololeeya in Somaliland loo aqoonsado dowlad madax-bannaan.

Xildhibaanka oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa ka degay dalka Jabuuti, waxa uuna qorsheenayay in dalkaasi gudaha u galo si uu ula kulmo safiirka Ingiriiska ee Jabuuti jooga.

Tim Loughton ayaa sheegay in markii garoonka diyaaradaha Jabuuti ka degay lagu adkeeyay in la siiyo viisaha ama dal ku galka Jabuuti, waxa uuna xusay markii uu sheegay in xildhibaan yahay lana baaray kaddib si cad loogu diiday in galo gudaha Jabuuti.

Xildhibaanka ayaa sheegay in muddo saacado ah lagu hayay qol gaar ah laguna ilaalinayay, waxa uuna xusay in markii dambe la saaray diyaarad kusii jeeday dalkiisa, lagana hor istaagay in gudaha u galo Jabuuti uu joogi lahaa 36-saacadood.

“Waxaan ka mid ahaa wafdi ka yimid Somaliland , aniga waxaan soo marayay Jabuuti laakii inta kale saaxibadey Adis-ababa ayey mareen. Waxaan kulan la lahaa safiirka si aan xog uga siiyo Somaliland. Waxaan wadanka joogi lahaa ku dhawaad 36 saacadood.”

Waxa uu intaa ku daray xildhibaanka ” Diyaaradda ayaan ka dagay si aan fiiso u helo kaddibna aan ula kulmo qofkii ii qaadi lahaa hotelka. Markaas ayey dhibaatadu bilaabatay. Markii ay sawireen basaboorkeyga waxay i weydiiyeen waxaan qabto. Waxaan u sheegay in aan xildhibaan ahay markaas ayey xaaladda xumaatay. Kaddib meel gees ah ayey iga fariisiyeen hoolka laga soo dego. Qof kasta oo diyaardda saarnaa wuu baxay. Halkaas ayaan saacad fadhiyay. “Kaddib qof ayaa ilaalinayay oo qol i geeyay. Qolkaas ayaa laygu xiray. Dhowr saacadood ayaan ku jiray. Markii ay ii yimaadeen ayey ii sharaxeen in aan la ii goleyn in aan dalka galo, waxaana laysaaray diyaarad ii qaadi doonto dalkeyga. ayuu yiri xildhibaanka Tim.

Xildhibaankan katirsan xisbiga Conservative-ka ee Ingiriiska ayaa sidoo kale waxaa horey xayiraad u saartay dowladda Shiinaha uu aad u mucaarado, waana xildhibaan mayal adag oo si weyn u dhaleeceeya siyaasadda Shiinaha.

Siyaasigan u dhashay dalka Ingiriiska ayaa maamulka Somaliland uga qaato lacag badan sidii aqoonsi ugu raadin lahaa, waxa uuna marar badan Baarlamaanka Ingiriiska kaga dhax hadlay arrinta Somaliland uu ololaheeda ku jiraan isaga iyo xubno kale.