Koox hubeysan Daraasiin Haween & Carruur ah ku afduubatay Nigeria.

0
84

Koox hubeysan Daraasiin Haween & Carruur ah ku afduubatay Nigeria.

Koox hubeysan oo illaa hadda aan la aqoonsan ayaa Niger State ku afduubatay ugu yaraan 55 ruux oo Carruur iyo Haween ah oo dhammaantood ahaa Beeraley sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Nigeria.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxdaan ay mar Arbacadii deegaankaan tageen iyaga oo dilay in ka badan 10-ruux, Ciidamada ammaanka oo goobta tegay uma suuragelin ay gacanta kusoo dhigaan Kooxdaas.

Inta badan Dadka la afduubtay ayaa xiligaas isaga tegay dhowr tuulo oo hoostaga Niger State kaddib markii naftooda ay u cabsadeen maadaama la dilay dad ay garanayeen oo qaarkood ehel la ah sida ay ku warrameen illo kala duwan oo warbaahinta gudaha la hadlay.

Gelinkii dambe ee Jimcaha ayay markale kooxda hubeysan dib ugu laabatay tuulooyinkaas waxaana ay kasoo kaxeysteen ugu yaraan 55 ruux oo Haween iyo Carruur ah oo dhammaantood ah Beeraley.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dadkaas la afduubtay saf la geliyay kaddibna loo kaxeeyay meel ka baxsan deegaanka, welwel xooggan ayuu ka muujiyay mar haddii ay weli maqan yihiin Dadkaas oo aanay wax xog ah laga heyn.

Sarkaal katirsan Ciidamada Booliiska Nigeria ayaa sheegay in ay hayaan xog la xiriirta dadka la afduubtay balse aanay uga hadli doonin si hordhac ah mar haddii xuuraansiga macluumaadkooda gacanta lagu hayo.

Nigeria waxaa sanadihii u dambeeyay kordhay afduubka, dilalka iyo weerarada ka dhanka ah Dadka rayidka ah, Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha hubeysan ee deegaannada qaar ka aasaasmay si ay isaga dhiciyaan Dadkaas beegsanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here