Madaxweyne Ruto oo Farriin adag oo hanjabaad ah u diray Mucaaradka oo dib u bilaabaya Dibad-baxyada

0
181

Madaxweyne Ruto oo Farriin adag oo hanjabaad ah u diray Mucaaradka oo dib u bilaabaya Dibad-baxyada

Mucaaradka dalka Kenya uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaasi Raila Odinga ayaa shaaciyay in ay dib u bilaabayaan dibad-baxyadii ay uga soo horjeedeen dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto.

Wadahadalo u socday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Ruto iyo xisbiga mucaaradka Kenya ayaa la isku fahmi waayay , waxa ayna arrintaasi keentay in mucaaradka ugu weyn Kenya mar kale shaaciyaan in berri oo Talaado ah dib u bilaabayaan dibad-baxyada.

Madaxweynaha Kenya William Ruto a ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay in ay gacan bir ah ay ku qabato xasilloonida dalka , waxa uuna cadeeyay in ay si adag u ilaalin doonto ammaanka muwaadiniinta Kenya.

Ruto ayaana uga digay mucaaradka Kenya in ay sameeyaan dibad-baxyo fad-qalo ah oo wax u dhimaya ammaanka iyo xasilloonida dalka, waxa uuna sheegay in aysan marnaba indhaha ka fiirsan doonin ciidamada ammaanka abuurida rabshado micno darro ah.

Mucaaradka Kenya ayaana beri oo Talaado ah isku diyaarinaya in mar kale dhigaan sibad-baxyo lamid ah kuwii ay horey u dhigeen bishii Maarso, dibad-baxyadasai ayaana dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo boob hantiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here