Mareykanka oo Ciidamo dheeraad ah geynaya Xadka uu la wadaago Maksiko si looga hortago qulqulka Tahriibayaasha.

0
131

Mareykanka oo Ciidamo dheeraad ah geynaya Xadka uu la wadaago Maksiko si looga hortago qulqulka Tahriibayaasha.

Dowladda Mareykanka ayaa ciidamo dheeraad ah u qorsheysay in ay geyso xadka ay la wadaagto Waddanka Maksiko oo muddooyinkii dambe noqday marinka ugu weyn ee Soogalootiga u gudba Dalkaas.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay go’aankaan ciidamada dheeraadka ah lagu geynayo soohdinta Maksiko si ay u gacansiiyaan Ciidanka kale ee jooga halkaas ee ku guuleysan waayay xakameynta qulqulka nabadgalyo doonka.

Tira sugan lagama soo gudbin Ciidamada la geynayo Soohdinta balse waxaa lagu qiyaasay 1,500 (Kun iyo shan boqol) oo askari illaa 2,500 (Labo kun & shan boqol) oo askari waana suuragal in tiradaas laga kordhiyo haddii qulqulkaas uu yaraan waayo.

Afhayeen u hadlay Waaxda Difaaca Mareykanka oo lagu magacaabo Sarreeye Guuto Pat Ryder ayaa sheegay in tallaabadaan loo arko in ay yareyn karto soogalootiga badan oo qaarkood ku sugan waddamada Laatiin Ameerika.

“Ciidamadaan waxa ay la shaqeyn doonaan askarta ilaalada Xuduudda, muddo 90 cisho ah ayay howshaan socon doontaa, shaqaalaha Militariga waxa ay buuxin doonaan firaaqyo muhiim ah si loo joojiyo qulqulka soogalootiga” Sidaasi waxaa yiri Pat Ryder.

Waa tallaabadii labaad oo Dowladda Mareykanka soo bandhigtay in ay ku xakameyneyso soogalootiga kala dhalashada duwan ee raba in ay galaan Dalkaas, qorshihii kan ka horreeyay waxa uu ahaa in Xukuumadda Washington ay xeryo la dejiyo ka dhiseyso Colombia & dalal kale.

Dowladda Kanada ayaa Mareykanka ku gooni yeeshay qaabilaadda Soogalootiga kala dhalashada duwan ee ku midoobay in ay galaan dalkaan ay u arkaan in ay ka heli karaan dhaqaale badan iyo nolol uga wanaagsan midda dalalkooda ay ku heystaan.

Soohdinta Mareykanka iyo Maksiko waxaa ka gudbay Dad aan laga heyn tira koob rasmi ah oo intooda badan u kala dhashay waddamo Soomaaliya ay kamid tahay, qaarkood dadkaas oo baraha Bulshada kasoo muuqday ayaa ka sheekeeyay safar 4 todobaad ku qaatay oo ugu dambeyn ku galeen Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here