Soomaaliland oo war ka soo saartay Dagaal maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood.

0
188

Soomaaliland oo war ka soo saartay Dagaal maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood.

Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood oo ah Caasimadda Gobolka Sool gaar ahaan aagaga Goojacadde, Dhuyux-Xuunsho ilaa Xargaga.

Inta la xaqiijiyay Dalkaas waxaa ku dhimatay illaa saddex ruux iyada oo ay ku dhawaacmeen in ka badan toban ruux oo labada dhinac, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Soomaaliland kaas oo lagu daabacay TV ku hadlay afka Dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay fashiliyeen isku day weerar oo ay soo qaadeen dadka deegaan ee lamaga baxay SSC-khaatumo.

Soomaaliland ayaa sheegtay in ay ilaalinayso xabbad joojintii ay hore ugu dhawaaqday, “Ciidanka Soomaaliland wuxuu mar kasta ka dhawrsanayaa dhibaato soo gaadha Magaalada Laascaanood.” Sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here