Wadahadal u bilowday Dowlada Somalia iyo madaxda Maamulka shirkadda Tiktok

0
163
FILE - The TikTok app logo appears in Tokyo on Sept. 28, 2020. The social media app shared its list of top 100 videos, creators and trends in America in 2020. (AP Photo/Kiichiro Sato, File)

Wadahadal u bilowday Dowlada Somalia iyo madaxda Maamulka shirkadda Tiktok

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay madaxda TikTok u qaabilsan Xiriirka Dowladda ee dalalka Afrika.

Kulankan ayaa waxay uga wada hadleen tallaabooyinka ay labada dhinac iska kaashan karaan ee lagu hakin karo in TikTok lagu faafiyo wararka argagixisada iyo sidii dadka Soomaaliyeed ee isticmaala madashaas ay uga heli lahaayeen xog sugan oo waafaqsan qiyamka, Anshaxa, iyo shuruucda dalka.

Maareeyuhu wuxuu si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in siyaasadda TikTok-ga ee ku wajahan Soomaaliya la waafajiyo Shuruucda dalka sida: Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, Sharciga Saxaafadda, iyo shuruucda kale ee saameynta ku leh adeegyada TikTok.

Gebagebada kulanka ayaa waxay Hay’adda Isgaarsiinta iyo TikTok isku afgarteen in ay si dhow uga wada shaqeeyaan ka-warbixinta iyo hoos u dhigista warbixinnada sharci-darrada ah ee ku jira madasha TikTok ee aan waafaqsanayn Habraaca ilaalinta bulshada (Community Guidelines). Kulankan ayaa ku xigi doono kulamo kale oo lagu ilaalinayo xuquuqda bulshada Soomaaliyeed ee isticmaasha barta TikToK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here