Ugu yaraan 155 ruux oo ku geeriyootay Roob xooggan oo ka da’ay Tanzania

0
19

Dalka Tanzania ee dhaca Bariga Qaaradda Afrika waxaa ka da’ay roob Xooggan oo sababay dhimasho, burbur iyo dhaawac soo gaaray Dad ku sugan Dalkaas sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin iyo ilo kala duwan oo la hadlay Warbaahinta.

Ugu yaraan 155 ruux ayaa geeriyootay, guryo badan ayaa burburay halka waxyeello dhaawacyo ay soo gaareen tiro kale oo qaarkood la dhigay goobaha caafimaadka si looga baxnaaniyo waxyeelladaas soo gaartay.

Waddooyin badan ayaa burburay oo waxaa joogsaday isu socodka Gaadiidka & Dadka si looga hortago waxyeellada kasoo gaari karta Dadkaas sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Tanzania oo digniin u diray Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Tanzania Kassim Majaliwa ayaa Baarlamaanka Dalkiisa u sheegay in arrintaan ay muujinayso saamaynta taban ee Xaaladda El-nino kasoo gaartay Dalkiisa isaga oo intaas ku daray in dedaal badan ay gelinayaan wax ka qabashada arrimahaan.

Dalal badan oo Qaaradda Afrika dhaca waxaa saameeyay isbaddelka Cimillada oo waxaa sanadihii u dambeeyay si isdaba-joog ah looga diiwaangeliyay Abaar, Daadad iyo Fatahaad waxaana weli la dirayaa digniin kale.