Suxufiyiinta Kenya oo sheegay in ay dhibaatooyin ku qabaan Dibadbaxyada Dalkaas.

0
138

Suxufiyiinta Kenya oo sheegay in ay dhibaatooyin ku qabaan Dibadbaxyada Dalkaas.

Suxufiyiinta Kenya ka howlgasha ayaa sheegay in ay dhibaatooyin xooggan ay ku qabaan isku dhacyada gadaal ka riixayaan Xukuumadda Madaxweyne William Ruto iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga.

In ka badan 20 Suxufi ayaa la weeraray labadii todobaad u dambeeyay oo ay dhacayeen dibadbaxyo xooggan, qaar kamid ah oo howlo shaqo u tegay in ay warbixinno kasoo tebiyaan goobaha isku dhacyadu ka dhaceen.

Qaar kamid ah Suxufiyiintu waxa ay sheegeen in marka ay dhinac istaagaan ciidamada si ay u qabsadaan Sawirro ama u duubtaan muuqaallo in ay ku dhaawacmaan dhagaxaanta ay tuurayaan dadka rabshadaha sameynaya.

Intaas oo keliya dhibaato kuma ahan oo marka ay soo maraan dhinaca dadka dibadbaxaya waxaa gaara rasaasta cinjirka ah, suntan ilinta dadka ka keenta & budadka ay ciidamu la dhacayaan dadka dibadbaxaya.

Golaha warbaahinta Kenya ayaa dalbanaya in baaris lagu sameeyo tacadiyada loo geystay saxafiyiinta. Waxa uu soo jeediyay golahaan in la dhowro nidaamka iyo xeerka Saxaafadda si Wardoonayaasha ay u helaan xuquuqda ay leeyihiin.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa Isniinta Todobaadkaan ku baaqay in mar afaraad ay isusoo baxaan taageerayaashiisa si ay u sameeyaan dibadbaxyada uu ku sheegay in ay ku xaadinayaan xuquuqda ka maqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here