Canada & Mareykanka oo ku heshiiyay xal u helista Soogalootiga isaga kala gudba xadka ay wadaagaan.

0
153

Canada & Mareykanka oo ku heshiiyay xal u helista Soogalootiga isaga kala gudba xadka ay wadaagaan.

Dalalka Canada & Mareykanka ayaa ku heshiiyay wax ka qabashada qulqulka soogalootiga isaga kala gudba xadka ay wadaagaan labadaan oo todobaadyadii u dambeeyay ay aad u kordheen magangalyo doon badan oo tahriib ku galay Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden & Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau oo ku kulmay Ottawa ayaa ku heshiiyay qorshe dib loogu celinayo soogalootiga kasoo gudba xadka Mareykanka ee u tallaaba dhanka Canada.

Biden ayaa qalinka ku duugay qorshahaan si loo xakameeyo qulqulka soogalootiga Mareykanka uga soo tallaaba dhanka xadka ay la wadaagaan Mexico (Maksiko) waa in uu xal qorsheysan diyaariyaa sida uu sheegay sarkaal katirsan Dowladda Mareykanka.

Canada & Mareykanka waxaa ka dhaxeeyay heshiis ay gaareen 2004tii oo dhigayay in magangalyo doonka ah ee gala Canada dib loogu celiyo Mareykanka si Washington ugu oggolaato in ay magangalyo siiyo.

39,171 (Soddon & sagaal kun, boqol, todobaatan & koow) qof oo soogalooti ah oo ay ku jiraan Soomaali ayaa 2022kii kasoo gudbay Waqooyiga Gobolka New York ayaa ka tallaabay xuduudda Quebec oo ah mid kamid ah marinnada ugu badan ee Tahriibayaasha ka gudbaan.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa ku dooday in Dowladda Canada ay baabi’iso dhammaan Heshiisyada caqabadda ku noqonaya soogalootiga dhibka & daalka badan usoo galay sidii ay u heli lahaayeen Magangalyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here