Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga oo Badbaadiyay ku dhawaad 750 ruux oo Tahriibayaal ah.

0
154

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga oo Badbaadiyay ku dhawaad 750 ruux oo Tahriibayaal ah.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa howlgal labo jeer dhacay oo ay sameeyeen waxa ay kusoo badbaadiyeen tahriibayaal naftooda halis geliyay kuwaas oo u socday dalkaas si ay u saldhigtaan ama ay uga sii gudbaan Dalalka kale ee Qaaradda Yurub.

750 ruux oo Tahriibayaal ah ayay badbaadiyeen Ciidamada ilaalada Xeebaha Talyaaniga waxaana loo gacan geliyay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Socdaalka ee IOM & Tan Qaxootiga ee UNHCR.

295 Qof oo kamid ah Tirada Dadka lasoo badbaadiyay ayay sheegeen ilaalada Xeebaha Talyaaniga in ay la socdeen doon nooca kalluumeysiga ah waxaana lagu qabtay meel 167 KM u jirta Xeebta Bari ee Gobolka Calabria.

450 ruux oo kale waxa ay la socdeen Markab Kalluumeysi oo marayay dhanka Bari ee Magaalada Syracuse ee Koofurta Sicily waxa ay qiyaas ahaan uga beegan tahay 185 KM sida ay sheegeen saraakiil katirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Talyaaniga.

Sarkaal u hadlay Dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in 33 ruux kasoo baxay xeebaha Tuniisiya weli la la’ yahay balse uu socdo baadigoobkooda si nolol ama geeri middood loogu helo, howlgalka raadintooda waxaa ka caawineysa Qaramada Midoobay.

Tahriibayaasha gaaray Talyaaniga & kuwa la waayay waxaa ka geeriyooday 5 qof intii aysan kasoo bixin Xeebaha Tuniisiya oo dhacda Waqooyiga Qaaradda Afrika sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah Dadkaas.

Talyaaniga ayaa sheegay in uu hardan adag uu la galayo xakameynta qulqulka tahriibayaasha oo bilihii u dambeeyay kordhay, si looga hortago tahriibayaashaas madax ka socota Roma waxa ay tageen Liibiya & Masar balse ma joogsan qulqulka Dadkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here