Ciyaartooyda muslimiinta ah ee horyalka Premier League-ga oo loo oggolaaday wakhti ay ku afuraan.

0
107

Ciyaartooyda muslimiinta ah ee horyalka Premier League-ga oo loo oggolaaday wakhti ay ku afuraan.

Guddiga garsoorayaasha ayaa madaxda horyaalka Premier League iyo xiriirka kubbadda cagta Ingriiska u gudbiyay in garsooreyaashu si ku meel gaar ah ay u joojin doonaan ciyaarta, si ciyaartoyda sooman ay u afuraan inata lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, sida uu sheegay Sky Sports Talaadadii.

Garooreyaasha ayaa la siiyay tilmaamo ah in ciyaartooyda muslimiinta ah ay qaadan doonaan wakhti kooban oo ay ku afuraan, waxaana garooreyaasha loo sheegay inay diiwaangeliyaan ciyaartooyda soomman kahor inta aysan ciyaartu billaaban.

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante iyo garabka Manchester City Riyad Mahrez ayaa ka mid ah ciyaartoyda la filayo inay afuraan inta ay socoto ciyaartu.

Sanadkii 2021, ciyaar dhexmartay Leicester City iyo Crystal Palace ayaa waxaa hakiyay garsoore Graham Scott, si Wesley Fofana iyo Cheikhou Kouyate ay u afuraan.

 

VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here