Sacuudiga oo War ka soo saartay aragtida bisha Barakaysan ee Ramadaan

0
162

Sacuudiga oo War ka soo saartay aragtida bisha Barakaysan ee Ramadaan

Maxkamadda Sare ee dalka Boqortooyada Sacuudiga waxay ka codsatay dhamaan dadka Muslimiinta ee ku nool dalkaasi inay baadigoobaan Aragtida Bisha Barakaysan ee Ramadaan Fiidnimada Talaadada soo socota oo Taariikhdu tahay 29-ka Shacbaan ee sanadka 1444 Hijriyah amq ku beegan 21-ka Bisha March ee sanadka 2023-ka ee tirsiga Milaadiyah.

Qoraal ay Maxkamadda Sare ee Sacuudiga maanta soo saartay waxay ka codsatay dadka indhahooda caadiga ama Qalabka Doorbinka ku arka bilashada Bisha Ramadaan inay ku soo wargeliyaan Maxkamadda ugu dhow, si loo diiwaan geliyo qofka iyo Markhaatiga la arkay, sida ay baahisay Wakaallada Wararka Sacuudiga ee SPA.

Khubarada Cilmiga Xiddigiska ee dalalka Carbeed waxay horey u sheegeen inay bisha Ramadaan bilaaban doonto maalinta Khamiista ee soo socota, inkastoo ay jiraan dhowr dal oo iclaamiyey inay bisha Ramadaan bilaaban doonto maalinta Arbacada ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here