Guddi Somaliland u xilsaartay xalinta dagaalka Laascaanood oo 10 qodobo soo saaray

0
153

Guddi Somaliland u xilsaartay xalinta dagaalka Laascaanood oo 10 qodobo soo saaray

Guddigii Golaha Wakiillada Somaliland u saaray xaaladda Laascaanood ayaa Maanta soo saaaray qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda Las-Caanood, kuwaasoo u baahan in Golaha Wakiilada ay go’aan ka gaaraan.

Xubnaha Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku dalbadeen in Golaha Wakiilada ay qaraar kasoo saaraan qodobada soo socda ee ku saabsan xaaladda Magaalada Laas-Caanood , kuwaasoo ay kamid yihiin:

In mar kale laqaato Lana dhaqan galiyo xabad joojin Deg-deg oo bilaa shuruud ah, si looga baaqsado sii socoshada khasaaraha dagaalka.

In dhamaan Golayaasha Qaranka, Waxgaradka, Culimada, Ganacsatada iyo bulshooyinka kala duwani u guntadaan soo afjarista colaadaasi iyo sidii wada hadal midho dhal ah looga gaari lahaa.

In la soo dhaweeyo Cid walba oo ka qayb qaadan karta xal u helista laas-canood, sida bulshada caalamka wadamada jaarka, kuwa gobolka iyo daneeyayaasha kale

In Goluhu ugu baaqo kooxaha hubaysan ee ka soo duulay deegaanada ka baxsan xuduudka Somaliland ee ka dagaalamaya Laas-Caanood in ay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan.

In Goluhu ku taageero ciidanka Qaranka sugida xuduudaha iyo difaaca Qaranka.

In Goluhu ka qayb qaato taakulada dadkii muwaadiniinta ahaa ee ku barakacay dagaalka ka socda magaalada laascaanood, isla markaana u soo jeediyo hay’addaha Qaranka iyo kuwa ka shaqeeya Arrimaha bini’aadantinimada in ay gargaar gaarsiiyaan iyada oo la raacayo hanaanka qorshaysan ee Qaranka.

In Goluhu Dar-dargaliyo wax kasta oo xoojinaya midnimada iyo wada jirkaQaranimada Somaliland.

In Goluhu xukuumada u soo jeediyo in khaladaadkii maamul ee ka dhacay laascaanood ay noqdaan kuwo wax laga barto, si aanay mar danbe inoogu dhicin qaladaad noocan oo kale ah oo hagardaameeya Qaranka.

In, iyada oo la fulinayo heshiisyadadii hore ee la galay iyo baahiyaha guud ee yaala, dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka.

In laga fogaado hadalada nacaybka ah ee sii kala fogaynaya qaybaha bulshada ee la isku marinayo baraha bulshada (si waafaqsan xeerka ciqaabta guud qodobadiisa 444, 328aad, 221aad iyo 215aad)

In laga heshiiyo muranka doorasho ee hada taagan, si looga baxo khilaafaadka siyaasiga ah.

In xukuumadu shaaciso dadka ay u qabato falalka argagixiso iyo danbiyada abaabulan.

Adkeynta mas’uuliyadda baarlamaanaka si loo xoojiyo dimuqraadiyadda, kor u qaadida, ilaalinta iyo dhiirigelinta ixtiraamka xuquuqda aadanaha, taageero wada hadalka, dhiirigelinta xallinta khilaafaadka gudaha, qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xoojiyo midnimo qaran iyo gorgortan nabadeed oo dhex mara bulshada iyo hogaanka dhaqanka, Wax-garadka Sool iyo Xukumadda Somaliland.

Waxay hoosta ka xariiqaysaa in caqabadaha dhaqan dhaqaale, kororka dhalinyarada iyo isbadelka cimilada ay sababi karaan xasilooni darro bulsho. Hay’addaha ku shaqada lihina ay ka qaataan doorka ka khuseeya.

Waxaa inagu waajib ah ka hortaga faragelinta shisheeye ee khatarta kuah, midnimada, nabadgelyadda, Israacsanaanta dhuleed, Madax- bannaanida iyo dawladnimo Somaliland. Sidaa awgeed waa in goluhu sameeyaa xeerarka lagu ilaalinayo xuduudaha Badda, Berriga iyo Hawadda (si waafaqsan Qodbka 38aad farqadiisa 4aad xarafkiisa “B” ee Dastuurka.

Waxay u soo jeedinayaan bulshada caalamka iyo dalalka dunidu inayaqoonsi buuxa siiyaan soomaliland.

Waxay u soo jeedinaysa Golaha wax ka bedalka iyo kaabista xeerka llaalinta anshaxa iyo nabadgalyada guud iyo xeerka cüdanka booliska, iyo curinta xeerka ciidanka qaranka iyo xeerka la dagaalanka argagixisada.

In Golaha Guurtidu qaataan Doorkooda nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka gudaha.

Ugu dambeyn Guddiga Gaarka ah ayaa sheegay in, iyaga oo aaminsan amniga iyo masaaliixda geeska Afrika ee ay isku-xiran yihiin, maadaama badi wadamada gobolka ay ku nool yihiin qoomiyado Soomaaliyeed ahna dad isir, dhaqan, dhiig iyo isku-tiirsanaan kaleba wadaaggaa, diyaarna u tahay fududdeynta wax kasta oo lagu xaqiijinayo daminta xaaladaha Colaaleed ee ka taagan Magaalada Laascaanood, waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo ergo dhexdhexaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here