Wiil uu dhalay Madaxweyne Caan ah oo la xiray kaddib markii uu iibsaday Diyaarad

0
226

Wiil uu dhalay Madaxweyne Caan ah oo la xiray kaddib markii uu iibsaday Diyaarad

Wiil uu dhalay madaxweynaha dalka Equatorial Guinea ayaa xabsi la dhigay, kaddib markii lagu eedeeyay wiilkaasi in si sharci darro ah u iibsaday mid kamid ah diyaaradaha ee leedahay shirkadda duulimaadyada ee dowladda.

Ruslan Obiang Nsue oo kamid ah carruurta madaxweynaha Guinea ayaa lagu eedeeyay in diyaarad qaranku leeyahay oo qaada 74-qof uu ka iibsaday iyada oon la ogeyn shirkad laga leeyahay jasiiradaha Canary.

Diyaarada lagu eedeeyay in uu iibsaday wiilka madaxweyne Obiang Nguema ayaa la waayay sannadkii hore xilli farsamo loo geeyay dalka Spain, waxaana la sheegay in diyaaradaasi aan dib dambe loo arag xilligaasi kaddib.

Wiilkan loo xiray in uu diyaarad Qaranku leeyahay iibsaday ayaa madax ka ahaa shirkadda duulimaadka qaranka ee Equatorial Guinea, waxaana wiilkan uu awood badan ku dhax lahaa dowladda uu aabihiis taladeeda hayo in ka badan 43-sanno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here