Ukraine: Wasiirkii Arrimaga gudaha & 16 kale oo u geeriyooday shil diyaarad

0
173

Ukraine: Wasiirkii Arrimaga gudaha & 16 kale oo u geeriyooday shil diyaarad.

Diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday deegaanka Kyiv ayaa dishay 17 qof, oo ay ku jiraan Wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine iyo labo carruur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Wasiirka arrimaha gudaha Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo xoghayihii gobolka ee wasaaradda arrimaha gudaha Yurii Lubkovych ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan, sida uu sheegay Ihor Klymenko, madaxa booliska qaranka ee Ukraine.

Sagaal ka mid ah dadka dhintay ayaa la socday diyaaradii helicopter-ka ee ku burburtay Brovary, oo ah xaafad bari ka xigta caasimadda Ukraine, sida uu sheegay Klymenko. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan in shilkaasi uu ahaa shil iyo in uu ka dhashay dagaalka Ruushka ee socda ku dhawaad11-ka bilood.

Sidoo kale wararka ka soo baaxaya Qasaaraha ka dhashay shilka ayaa waxaa ka mid dhaawac 22 qof kuwaas oo ay ku jiraan 10 carruur ah.

Warka kale ee soo baxaya yaa tibaaxaya in jirtay Ceeryaamo markii ay diyaaradda dhaceysay, halka warar kale ay sheegayaa in diyaaradda ay markii hore ku dhacday iskuulka ka hor inta aysan ku ag burburin dhismo la daggan yahay oo ku yaalla Ukraine.

Isha: VOA + BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here