Madaxwayne Erdogan Oo Shaaciyay Xilliga La Qaban Doono Doorashada Madaxweynenimada

0
207

Madaxwayne Erdogan Oo Shaaciyay Xilliga La Qaban Doono Doorashada Madaxweynenimada

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta tusmeeyey inuu damacsan yahay inuu ku dhowaaqo in doorashada guud ee dalkaas la qabto May 14.

Doorashada Turkey ayaa rasmi ahaan la qorsheeyey inay dhacdo 18-ka June.

Hase yeeshee, saraakiisha ayaa muddo toddobaadyo ah tusmeynayey in laga yaabo inay codbixinta soo hormariyaan sababo la xiriiro munaasabado diimeed iyo imtixaanaadka iskuullada.

Erdogan ayaa khudbad u jeediyey xisbigiisa tallada haya, wuxuuna dib u xusuustay markii Turkey ay qabatay doorashadii ugu horreysay oo xor ah 1950-kii.

Doorashadaas oo dhacday May 14 ayaa waxaa ku guuleystay Adnan Menderes — ra’iisul wasaare ay xukunka ka tureen militariga 1960-kii kadibna ay dileen sanad kadib.

Erdogan inta badan isla meel dhigayey Menderes intii uu xukunka hayey in ka badan 20 sano oo uu ahaa ra’iisul wasaare iyo madaxweyne.

“Marxuum Menderes wuxuu yiri 14-kii May, 1950 ‘bis, dadku waxay dhiiban doonaan codkooda’, wuxuuna ku guuleystay sanduuqa codbixinta,” ayuu yiri Erdogan oo khudbaddiisa laga sii daayey taleefishinka.

“Dadkeenna waxay jawaabtooda siin doonaan mucaaradka isla maalintaas 73 sano kadib.”

Erdogan ayaa doorashada geli doona ayadoo aragtida ay ka haystaan shacabka ay hoos u dhacday sababo la xiriira qalalaasaha dhaqaale ee socday muddo sannad ah, oo sicir-bararka uu gaaray boqolkiiba 85.

Balse mucaaradka ayaan wali ku midoobin hal musharax oo wajaha Erdogan.

Codbixintan ayaa sidoo kale caqabad ku noqon doonta awoodda Erdogan ee baarlamaanka.

Xisbigiisa talada haya ayaa hadda isbahaysi la leh xisbi midigta-fog ah oo taageeradiisu hoos u dhacday dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here