Maxaad Ka Taqaan 4-ta Cunto Ee Timaha Ka Ilaaliya Inay Cirro Isku Bedelaan.

0
543

Maxaad Ka Taqaan 4-ta Cunto Ee Timaha Ka Ilaaliya Inay Cirro Isku Bedelaan.

In mar kasta oo qofka da’diisu sii weynaato timihiisuna caddaan isu beddelaan waa arrin qof kastaa dareemi karo oo aragtideedu aanay la yaab ahayn, sababaha keenaa waa mawduuc kale, balse in qof dhalinyaro ah oo loo arko in aanu gaadhin da’dii cirrada looga bartay cirro lagu arkaa waa arrin iyaduna dadku in badan su’aalo iska weydiiyaan sababteeda, hidde ku sheeg ama sababo la xidhiidha awoodda midabaynta jidhka oo yaraatay ku macnee sida ay dhakhaatiirtu tilmaamaan, sababo kale oo badanna waa la sheegaa.

Qormadan waxaynu  akhristayaasheenna kula wadaagaynaa cuntooyin ay dhowr ka mid ah cuntooyinka laga heli karo dalkeenna oo ay khubarada daraasaysa waxtarka caafimaad ee cuntadu sheegaan in ay timaha ka ilaaliyaan cirrada amam ugu yaraan yareeyaan, gaar ahaan marka ay cirradu tahay nooca aan da’da ku iman.

1. Kalluunka Salmon:

Kalluunka noocyadiisa Salmon loo yaqaanno waxaa ku jira xaddi badan oo ah maadadda Selenium oo si weyn u caawisa in jidhku si nidaamsan u soo saaro Hormoonka oo sababa in timaha madow midabkoodu caddaado. Sidaa awgeed waxa ay khubaradu sheegeen in qofka oo mudda cuna kalluunkan Salmon ay keenayso in cirradu ka raagto madaxiisa.

2. Khudradda cagaaran:

Khudradda cagaarani waxa ay hodan ku tahay Faytamiinnada B6 iyo B12 sidaa awgeed waxa ay timaha u ilaalisaa midabkooda dabiiciga ah iyo xitaa caafimaadkooda kale.

3. Lawska:

Lawska waxaa ku jira xaddi badan oo Faytamiinno ah faytamiin E, iyo curiyaha Eyroon (Iron) labadubana waxa ay timaha u diidaan cirrada, sidoo kale lawsku waxa uu dhimaa miisaanka.

4. Caanaha:

Caanaha waxaa ku jira Faytamiinno tiro badan oo timaha ka caawiya in aanay cirraysan isla markaana u fiican caafimaadka guud ee timaha.

 

-KAMAAL MARJAAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here