Madaxwayne Ordogan Iyo Madaxwaynaha Ukraine Kulan Wada Qaatay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

0
511

Madaxwayne Ordogan Iyo Madaxwaynaha Ukraine Kulan Wada Qaatay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Ukraine Zelenskyy, waxayna labada hoggaamiye ka wadahadleen xaaladda gudaha Ukraine.

Labada hoggaamiye ayaa isla soo qaaday heerkii laga gaaray wadahadalladii Kyiv iyo Moscow, sida uu sheegay xafiiska Erdogan.

Erdogan ayaa u sheegay Zelenskyy in uu ku nuuxnuuxsaday shirkii NATO ee todobaadkan in uu taageersan yahay madax-banaanida dhuleed ee Ukraine.

Ankara waxa ay martigelisay wadahadalo xabbad joojin ah, iyada oo iska dhigaysa dhexdhexaadiye u dhexeeya Moscow iyo Kyiv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here