Al-Shabaab oo weerartay Xeryo Ciidanka Puntland ku leeyihiin Af-urur.

0
548

Al-Shabaab oo weerartay Xeryo Ciidanka Puntland ku leeyihiin Af-urur.

Deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari waxaa saakay ka dhacay dagaal toos ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigyo ciidamada DG Puntland ku leeyihiin Deegaankaan oo laga ilaaliyo Magaalada Boosaaso xarunta Gobolkaas.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamay inkasta oo aan si rasmi ah loo sheegin tirada uu gaarsiisan yahay, weerarka waxaa ka horreeyay hoobiyaal ay isku rideen labada dhinac.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Mid kamid ah Xeryaha Ciidamada Puntland uu dab xooggan ka kacay, Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xerada oo iyagu ay gubeen.

Ciidamo katirsan Daraawiishta DG Puntland iyo kuwa Gaarka u tababaran oo ka gurmaday Xeryo kale ayaa gacansiiyay Ciidanka ku sugan Xeryaha la weeraray ee Deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhowr habeen Hoobiyaal lagu tuuray Xerada, Ciidamada DG Puntland ayaa dhankooda ku jawaabay Hoobiyaal, dagaalka tooska ah ayaa billawday salaadda subax kaddib sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here