Gudoomiye Xirsi Oo Ka Hadlay Biyo La’aanta Hargaysa.

0
410

Gudoomiye Xirsi Oo Ka Hadlay Biyo La’aanta Hargaysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay biyo la’aanta caasimada Hargaysa iyo sidoo kale abaaraha ka taagan dalka.

Xirsi ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uubaahiyay oo udhignaa sidan:

Maanta waxay ku beegnayd maalinta xuska biyaha ee adduunka (World Water Day). Biyuhu waa tiir ka mid ah yoolasha la doonayo in  horumar waara  laga gaadho sannadka 2030 (Sustainable development goals 2030), hase yeeshee innagu -haddii aynu Somaliland nahay, sannadkan waxa uu maalinka biyuha adduunku inoo soo galay inanga oo ku sugan xaalad biyo yaraaneed, miyi iyo magaalaba.

Dadkeennii miyiga waxa saamaysay abaar baahsan, halka caasimaaddiina aanay ilaa hadda helin biyo ku filan. Qof kasta waxaan u soo jeedinayaa inuu si joogto ah u xasuusto arrinkan oo abaaraha iyo biyo-dhaamiska kaga qayb qaato waxa uu awoodo.

In kasta oo aynnu sannadkii helno xaddi roobeed aad u badan, haddana nasiibdarro kama faa’iidaysanno. Xukuumadda Somaliland waxaa la gudboon inay samayso qorshayaal lagaga faa’iidaysanayo roobabka aynnu sannadkii helno. Haddii aynnu ka faa’iidaysano biyaha aynnu helno xilli-roobaadka, waxaynnu xal u heli doonnaa abaaraha innagu soo noqnoqda, sidoo kalena waxaynnu horumarin karnaa beeraheenna oo imminka ku tiirsan roobka iyo raxmaadka Eebbe.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here