Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Ka Socda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

0
479

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Ka Socda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa war rasmi ah kasoo saaray Weerar maanta lagu qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ay faah faahin ka bixyeen weerarka oo ahaa mid khasaaro gaystay.

Ciidamada Ammaanka ayaa laba dhallinyara ah oo isku soo dhexqariyay shaqaalaha muruqmaalka ah ee ka xoogsada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay weerarka soo qaadeen.

Waxaa intaas ay ku dareen Taliska Boolisku in labada dagaalame ay bastoolado ku hubeysnaayeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Labada dagaalame ay soo gaareen Koontaroolka Koowaad ee lagu baaro dadka iyo gaadiidka ay bilaabeen in xabado ay ku ridaan ilaaladii ku sugneyd goobta.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Xijaar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in laga hortagay weerarkaasi ay soo abaabuleen Al-Shabaab.

“iyagoo shaqaaladaha garoonka isku ekeysiinaya ayee soo weerareen Koontaroolka laga soo gallo garoonka ee Marina Gate, bastoolado ayay ku hubeysnaayeen, waxaa halkaas ku yaalla goobo ganacsi oo u badan dukano dad shacab ah ay leeyihiin” ayuu yiri General Xijaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here