Maamulka Puntland Oo Isbedel Ku Sameeyay Laamaha Amaanka Ee Gobolka Bari

0
415

Maamulka Puntland Oo Isbedel Ku Sameeyay Laamaha Amaanka Ee Gobolka Bari

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa isku shaandheyn ku sameeyey qaarka mid ah Saldhigyada booliska Boosaaso, Ufeyn & Ceeldaahir.

Taliyaasha Saldhigyada ee bedelka lagu sameeyey waxaa ka mid ah Saldhiga Booliska Nuur Salaad Boosaaso, Saldhiga Booliska Baaladde Boosaaso, Saldhiga Degmada Ufayn iyo Saldhiga Booliska ee deegaanka Ceel-Daahir ee Gobolka Bari.

Sababta tilaabadaan loo qaaday ayaa ah sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka gobolka Barri sidda uu sheegay taliyaha qeybta.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo taliyayaasha Booliska ee la isku bedelay inay dardargeliyaan shaqada ay u hayaan dadka reer Puntland waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay Talis ahaan tayeynta iyo kormeerida Saldhigyada Booliska ee gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here