Dowlada Itoobiya Oo Mar Kale Eedaymo U Jeedisay Madax Haayada Caafimaadka Aduunka

0
272

Dowlada Itoobiya Oo Mar Kale Eedaymo U Jeedisay Madax Haayada Caafimaadka Aduunka

Dowladda Itoobiya ayaa warqad u dirtay hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO), iyadoo ku eedeysay aggaasimaheed guud, Tedros Adhenom Ghebreyesus inuu ku kacay “anshax xumo”, kadib dhaleeceyn xooggan oo uu ujeediyey colaadda iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Tedros ayaa afar sano kahor magaca Itoobiya ku helay xilka uu ka hayo ee hoggaanka hey’adda WHO, laakiin waxay Addis Ababa sheegtay “inuusan kasoo bixin daacadnimadii iyo filashadii xirfadeed ee loogga baahnaa xafiiskiisa,” iyadoo dowladdu ay ku eedeysay inuu faro-gelin ku hayo arrimaha gudaha ee dalka Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Tedros uu faafiyey macluumaad khaldan, isagoo wax u dhimay “sumcadda, madax banaanida iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO)” ayaa lagu yiri eedeynta wasaaradda arrimaha dibadda.

WHO ma aysan bixin jawaab ku aaddan eedeynta loo jeediyay madaxa ugu sarreeya. Xukuumadda Addis Ababa ayaa Tedros oo u dhashay qowmiyadda Tigray ku eedeysay inuu yahay xubin firfircoon oo ka tirsan fallaagada TPLF ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here