TURKEY : Dad Shacab Ah Oo Ku Geeriyooday Dab Qabsaday Dhul Kaymo Ah

0
276

TURKEY : Dad Shacab Ah Oo Ku Geeriyooday Dab Qabsaday Dhul Kaymo Ah

Dab qabsaday dhulka Kaymaha ee Koonfurta dalkaasi ayaa waxa ku dhaawacmay in ka badan 180 qof.
Wasiirka Kaymaha iyo Beeraha Turkiga, Bekir Pakdemirli ayaa Maanta shaaciyey dadka ay waxyeellada ka soo gaartay Ololka ka dhashay dabka qabsaday dhul-kaymeedka.

Wasiirka oo la hadlay Suxufiyiinta waxa uu tilmaamay inay Xilligan diiwaan geliyey dhaawaca 183 qof, isagoo dhanka kale shaaciyey inay waqti qaadan doonto sidii loo xakamayn lahaa Masiibadaas Dabiiciga ah.

Waxa kale oo uu xusay in dadka laga daad-gureeyeey Hotel ku yaalla Deegaanka Guverncinlik ee Degmadda Bodrum.
Warar horey u soo baxay waxay sheegeen inay ugu yaraan 3 qof ku geeriyootay dabka ka kacay Kaymaha ku yaalla Deegaanka Mavangat ee Gobalka Antalya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here