18 Qof Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dalka Hindiya Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

0
245

18 Qof Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dalka Hindiya Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Ugu yaraan 18 qof oo shaqaale muhaajiriin ah ayaa dhimatay ka dib markii gaari weyn jiirey rakaab la socday bas marayay gobolka waqooyiga India ku yaala ee Uttar Pradesh.

Masaafarada socdaalkooda oo aheyd 1,300km ayaa ka soo bilaabatay magaalada Haryana ayagoo ku sii jeeday xarunta gobolka ee Bihar, shilka ayaana ka dhacay degmada Barabanki.

Shilka ayaa dhacay saacadihii hore ee Arbacadan maanta ah, qaar kamaid ah shaqaalaha ku dhex jirey Baska halka kuwa kalena jiifeen gaariga gedaashiisa xilliga shilka uu dhacayay.

Yamuna Prasad oo ah kormeere guud oo ka tirsan booliiska degmada Barabanki, ayaa BBC u sheegay in gaariga lagu soo raray wax ka badan tankiisa.

Wadaha gaariga Baska ah, ayaa isku dayay in uu hagaajiyo cilad ku timid gaariga, hase ahaatee waxaa si lama filaan ah u dul-maray gaari weyn, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

“Waa shil nasiib daro ah. Buska waxaa la soo saaray 140 qof iyadoo 65 qof oo kali ah loogu talagalay. Waxaan qiimeynaynaa xaaladda qoysaska,” ayuu yiri.

Mr Prasad waxaa uu intaas ku daray, in Buska uusan laheyd dariishad ama daaqad, sababtoo ah waxaa uu lahaa qaboojiye taas oo keentay, in qaar kamid ah rakaabka waddada bartankeeda jiifsadaan.

Ugu yeraan, 30 kamid ah rakaabka oo qaarkood dhaawacyo halis ah qaba ayaa lagu daweynayaa isbitaalka magaalada Barabanki.

Ra’isul wasaaraha dalka India, Narendra Modi ayaa Twitter ugu tacsiyeeyay ehelada dadka mashaqada ku hab-satay, isagoo balan qaaday in 200,000 rupee oo u dhiganta 2,686 oo dollar oo mag-dhow ah la siin doono qoysaska dadka dhintay halka kuwa dhaawacmay heli doono 50,000 rupee oo lacagta India ah.

Dadka ka soo jeeda magaalada Bihar, waxay badanaa aadaan gobolada hodanka ah oo ay kamid yihiin Haryana iyo Delhi si shaqooyin ugu helaan halkaas.

Shaqaalaha muhaajiriinta ah waxay badanaa isticmaalaan tareenno iyo basas, oo ah hab raqiis ah oo laga adeegsado Hindiya, si ay guryahooda ugu laabtaan markay ka nasanayaan ​​shaqooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here