Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Qayb Galaya Shir Caalami Ah Kaga Qayb Galaya London

0
265

Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Qayb Galaya Shir Caalami Ah Kaga Qayb Galaya London

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa ka qeyb galaya Shir heer caalami ah oo Maanta ka furmaya Magaaladaas.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa sara u qaadista tayada Waxbarashada Carruurta, waxaana shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha dowladda Ingiriiska Boris Johnson iyo Madax kale.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ka furmaya Magaalada London ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madax kale oo heer Caalami oo kusii jeeda London, kuwaasi oo shirka lagu casuumay.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa waxaa uu kulan la qaadan doona Ra’iisul Wasaare Boris Johnson iyo Madax ka socota dalal kale, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa shalay gaaray Magaalada London, waxaana wafdiga Rooble kamid ah Wasiirka Waxbarashada Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

HOOS KA DAAWO :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here