Madaxweyne Biixi Oo Maanta Daah-Furay Imtixaanaadka Shahaadiga Somaliland

0
265

Madaxweyne Biixi Oo Maanta Daah-Furay Imtixaanaadka Shahaadiga Somaliland

Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe iyo Sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 19-ka Jun 2021 si rasmi ah uga bilowday degaanada Maamulkaas.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Somaliland ayaa sheegay in sanadkaan Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe iyo Sare ay u fariisteen 46 kun oo Arday oo dhammeeysatay Waxbarashada fasalada 8-aad iyo Dugsiga sare.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax in Imtixaanaadka lagu galayo dhammaan magalaooyinka Somaliland, isla markaana uu si nabad ah u bilowday, isagoona arday guul u rajeeyay.

Sidoo kale Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray in sannadkan ardayda welwel badan ka haysto gelista imtixaanka, taas oo uu sabab uga dhigay in ay wax ku soo marteen xilli adag ka jiray Cudurka COVID-19.

Dhinaca kale warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Gobolada Imtixaanaadka Shahaadiga Somaliland lagu galayo ay kamid yihiin Sool iyo Sanaag oo horey Puntland u sheegtay in aan lagu geli doonin Imtixaanaadka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here