Ciidamo Shisheeye Oo Dhoolatus Milliteri Ka Sameeyey Xeebaha Somalia

0
241

Ciidamo Shisheeye Oo Dhoolatus Milliteri Ka Sameeyey Xeebaha Somalia

Ciiddanka Badda ee dalalka Midowga Europe (EUNAVFOR) ee ka hawl-gala Xeebaha Somalia iyo kuwo ka socday dalka Hindiya ayaa waxaa Dhoolatus Wadajir ah ka sameeyeen Gacanka Cadmeed ee u dhow Xeebaha Somalia.

Ilaa 5 Markab Dagaal oo ay kala leeyihiin Ciiddanka Badda ee dalalka Talyaaniga, Spain, Faransiiska iyo Hindiya ayaana ka qeyb qaadanayo Dhoolatuskaasi oo bilowday Jimcihii shalay, iyadoo sida uu qorshuhu yahay la soo gebagebeyn doono maanta oo Sabti ah.

Waa markii u horeysay ee ay Ciiddamadaasi si wadajir ah Carbis ugu sameeyaan meel ku dhow Xeebaha Somalia.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka Badda dalka Hindiya waxa lagu sheegay in Carbiskaasi looga dan leeyahay Is-dhaafsiga Khibradaha, Xogaha iyo Is-dhex galka Ciiddanka, si loo dhiiri-geliyo Nabadda, Ammaanka iyo Deganaanshaha Baddaha.

Dhinaca kale, Ciiddanka Badda Midowga Europe ee EUNAVFOR iyo kuwa Hindiya waxay hore u wada fuliyeen Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia iyo inay gelbiyaan Maraakiibta u kireysan Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ee Shixnadaha Gargaarka u soo daabula Somalia

Ciiddanka Badda Midowga Europe (EUNAVFOR) oo la asaasay sanadkii 2008-dii waxaa loo xil-saaray inay ka hawlaan Badda Somalia, si ay uga hortagan Falalka Burcad-baddeeda iyo dhaca hubeysan ee ka dhaca meelaha ka baxsan Xeebaha Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here