Gabdho Somali Ah Oo Laga Afduubtay Xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi Iyo Walaac Xoogan Oo Ka Dhashay

0
342

Gabdho Somali Ah Oo Laga Afduubtay Xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi Iyo Walaac Xoogan Oo Ka Dhashay

Xildhibaanka degmada kamukunji – oo Islii ay ka tirsan tahay – Yusuf Xasan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in ay ka walaacsan yihiin sare u kaca “afduubka” iyo rabshadaha kale ee degmada.

Hadalkiisan wuxuu imanayaa iyadoo weli la raadinayo laba gabdhood oo la waayay 15-kii bishan June.

Xildhibaanka laga soo doorto Garisa, Aden Barre Ducaale, oo ka mid ah siyaasiyiinta billaabay in ay la kulmaan laamaha amniga, wuxuu sheegay in ay warka ku hayaan in seddax gabdhood la waayay – Labo reer Islii ah iyo mid degganeyd xaafad lagu magacaabo kayole.

“Bulshada Soomalida ahaan, waxan waa shay nagu cusub. Walaac badan ayuu na geliyay labadii maalmood ee aan soo dhaafnay”, ayuu yiri Aden Ducaale.
Muuqaal argagax leh oo lagu bahiyay baraha bulshada oo ay ka soo muuqatay mid ka mid ah gabdhahaas, waxay sheegtay in kooxda haysata ay doonayaan illaa $50-kun oo dollar oo madax-furasho ah.

Xildhibaan Yusuf wuxuu yiri: “Waxaan la xiriiray Taliyaha Booliska oo aan u sheegay in tallaabo degdeg ah oo muuqata la qaado, si loo difaaco rayidka, loona sugo amniga iyo badqabka dadka, lana soo celiyo sharciga iyo kala dambeynta xaafadda”.
Gabadha ka soo muuqatay fiidiyowga waxaa wejigeeda ku yaalla dhaawacyo xun. Da’deedana waxaa lagu sheegay 23 sano, sida uu qoray wargeyska Standard ee Kenya.

Wargeyskaas oo soo xigtay dumaashigeeda oo lagu magacaabay Cumar Ibraahim, wuxuu qoray: “Dadkii afduubtay waxay farriin noo soo qoreen Arbacadii (oo shalay ahayd), waxayna sheegeen in madax-furashada ay doonayaan”.

“Waxaan ka walwaleynaa in ay dhibaato u geystaan”, ayuu hadalka ku sii daray, sida ku xusan Standard.
Sidoo kale, warbaahinta Kenya qaarkood waxay sheegeen in muuqaal ay duubtay kaamerada amniga, ay ka muuqdaan gabdhaha oo xilli galab ah sii galayay dukaanka Xafsa oo Kabaha lagu iibiyo, kuna yaalla xaafadda Islii.

Ka dib waxay isu raaceen xaafadda Kayole oo ah meeshii ugu wardambeysay, sida uu qoray The Standard.

Warbaahinta qaar waxay daabeceen in mid ka mid ah gabdhahaas ay Kayole ku lahayd meel lagu iibiyo khudaarta sida Qaraha.

Muuqaalka la baahiyay oo 35-ilbiriqsi ah waxaa ka muuqatay gabadha oo indhaha ay u xiran yihiin, wejigeedana uu ka muuqday jir-dilay, waxay ku tiri: “Waa la i afduubtay, lacagna way rabaan. Fadlan soo dira”.

Xildhibaan Yusuf Xasan, ayaa sheegay in loo baahan yahay in booliska ay qaadaan ficil degdeg ah oo “lagu ilaalinayo bulshada bartilmaameedka ah iyo xaafaddooda”.
Dhowr afduub oo loo geystay gabdho ayaa la soo werinayay illaa isbuucii la soo dhaafay.

Soomaalida ku nool magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa ka carooday dil halkaa loogu geystay gabar 19 sano jir ahayd oo la la’aa muddo sadex maalmod ah.

Alaha u naxriistee, Najma Cabdullahi Macallin oo ka mid ahayd ardaydii sannadkan ka baxay dugsiga sare, ayaa ugu dambeyn meydkeeda oo ay ka muuqdeen dhaawacyo, laga helay deegaanka Bonje ee magaalada xeebeedka Mombasa ee Kenya.

Ilaa iyo hadda, waxaa gacanta lagu soo dhigay hal qof oo dumar ah oo loogu shakisanyahay in dilka gabadhaas ay ka dambeysay.

Xasan Bashiir oo ka mid ah ehelada gabadhaas la dilay ayaa BBC Somali u sheegay in “gabadha markii hore la soo helay iyadoo dhaawacyo ay ka muuqdeen, ka dibna isbitalkii la geeyay ay ku dhimatay”. Halkaas waa meesha ay qoyska ka heleen.

“Waxay dhaawacyada oga yaalleen laba dhinac ee wejiga iyo ilkaha hore iyo kellida”, ayuu yiri Xasan bashiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here