Somaliland Oo Ciidamo Kala Dhex Dhigtay Beelohii Ku Dagaalamay Deegaanka Dhabar Dalool Ee Gobolk Sool

0
373

Somaliland Oo Ciidamo Kala Dhex Dhigtay Beelohii Ku Dagaalamay Deegaanka Dhabar Dalool Ee Gobolk Sool

Waxaa xaalad deganaansho ah laga dareemayaa degaanka Dhabar-Dalool ee degmada Xudub ee gobolka Sool, halkaas oo malmihii la soo dhaafay uu dagaal khasaaro geystay ku dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan amray in si deg deg ah loo kala dhex-galo labada maleeshiyo Beeleed oo isku heysta Ceel-biyood ku yaal degaanka Dhabar-Dalool, waxaana la sheegay in Soomaliland ay degaankaas geysay Ciidamo isugu jira Boolis & Millateri.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka oo ay la socdaan Guddoomiyaha Goblka Sool Cabdiqani Maxamuud Jirre iyo Saraakiil Ciidan, iyaga oo kala dhex-galay labada maleeshiyo Beeleed oo isku hr-fadhiyay degaanka Dhabar-Dalool ee degmada Xudub ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha Goblka Sool Cabdiqani Maxamuud Jirre ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay, six al looga gaaro Colaada soo laab laabtaya oo salka ku heeysa Ceel-biyood ku yaal degaanka Dhabar-Dalool ee Gobolka Sool.

Guddoomiyaha Goblka Sool Cabdiqani Maxamuud Jirre ayaa sheegay in Amniga degaanka Dhabar-Dalool ay la wareegeen Ciidamada Soomaliland , waxaana uu digniin culus uu u diray maleeshiyadka mar walba isku dila degaankaas.

Degaano kale oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal Beeleedyo sababay khasaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo Barakaca Boqolal qoys, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ay heystan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here