Midowga Murashaxiinta Oo Ku Gacan Saydhay Codsi Uga Yimid Madaxwayne Farmaajo

0
305

Midowga Murashaxiinta Oo Ku Gacan Saydhay Codsi Uga Yimid Madaxwayne Farmaajo

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaaliya ayaa habeenkii xalay aheyd Shir la qaatay Madaxweeyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga arrinsaday Go’aan laga sugayay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe Xuseen oo ku aadan inay caddeeyaan mowqifkooda muddo kordhinta labada sanno ee Farmaajo loo sameeyay.

Labada Madaxweyne ayaa Shirka keenay farriin ay ka wadeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ku sheegeen inuu Farmaajo doonayo inuu la kulmo Midowga Musharaxiinta, si loo wada-hadalo.
Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo aheyd codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo, waxaana la tilmaamay in inta uu socday Shirka ay dhinacyada dhexmartay dood kulul.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Shirkii xalay inta uu socday uu isaga soo baxay C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii Qoorqoor iyo Guudlaawe ay shirka la yimaadeen wixii ay ka sugayeen wax aan aheyn oo ah inay farriin sidayaal noqdeen.

Shirka dhexmaray dhinacyada ayaa soo dhammaaday, iyada oo aan wax natiijo ah la gaarin, waxaana weli Musharaxiinta ay Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ka sugayaan inay si Cad u caddeeyaan mowqifkooda la xiriira muddo kororsiga Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here