Saciid Deni Iyo Wafdi Ka Socda Beesha Caalamka Oo Maanta Kulan Yeelanaya

0
336

Saciid Deni Iyo Wafdi Ka Socda Beesha Caalamka Oo Maanta Kulan Yeelanaya

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa gaaray wafdi ka socda Beesha Caalamka oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee  Soomaaliya.

Ujeedka wafdiga Beesha Caalamka ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay kulan gaar ah ula yeelan lahaayeen Madaxweynaha dowlad goboleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoo kala hadli doona arrimo kala duwan.

Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ayaa Madaxweyne Saciid Deni kaal hadli doona xaaladda siyaasadeed ee xiligaan dalku marayo, khilaafka hareeyay doorashada iyo sidii uu uga qeyb geli lahaa shirka uu ku baaqay Farmaajo ee ka dhacaya Muqdisho.

Kulanka labada dhinac ayaa markii uu soo dhammaado waxaa la filayaa in Maamulka Puntland iyo Beesha Caalamka kasoo saaran War-saxaafadeedyo ku aadan qodobada la isla gartay.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo isbaheysi ah ayaa weli soo gaarin Magaalada Muqdisho, xili shalay Madaxweyne Farmaajo Xarunta Madaxtooyada ku shir guddoomiyay kulan hordhac u ah Shirka looga hadlayo khilaafka doorashada ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here