Shuruudaha Lagu Xidhay Murashaxiinta Cusub Ee U Tartamaya Gole-yaasha Deegaanka iyo Wakiilada Somaliland

0
350

Shuruudaha Lagu Xidhay Murashaxiinta Cusub Ee U Tartamaya Gole-yaasha Deegaanka iyo Wakiilada Somaliland

Muddo 100 maalmood ah ka yar ayaa ka hadhsan wakhtiga loo qorsheeyey in ay dalka ka qabsoonto doorashooyinka muddo dhaafay ee Wakiillada iyo deegaanka, oo la filayo in ay dhacaan 31 bisha May oo maanta 100 maalmood oo keliya innaga xigaan.

Xisbiyada iyo beelaha ayaa ku mashquulsan kala saarida Murrashaxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyada oo maalmihii u dambeeyey Xisbiyadu aqbaleen murrashaxiin reerahoodu u gudbiyeen Xisbiyada.

Komishanka Doorashooyinka, ayaa soo saaray Shuruudaha looga baahan yahay Murrashaxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, kuwaas oo Xeerka guud ee doorashooyinku waajibiyey in ay buuxiyaan xubnaha tartamaya.

Shuruudahan, komishanku soo bandhigeen, ayaa ah kuwan hoos ku qoran:

Shuruudaha looga baahan yahay musharaxa golaha wakiillada Somaliland

  • Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Qaranka ee kala duwan rabbana inay u tartamaan golaha wakiillada iyo degaanku waa inay is casilaan 90 cisho ka hor maalinta doorashada loo asteeyay.
  • Kaadhka dhalashada ee muwaadinimada
  • Kaadhka codbixiyaha oo ah goobta uu ka tartamayo.
  • Caddayn in aanay dadiisu ka yareyn 35-sano
  • Warqad caafimaad oo caddaynaysa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaan u gudan karo xilkiisa
  • Shahaado dugsi sarre ah
  • Warqada danbi la’aanta
  • Warqad caddayn shaqo ka tagid ah hadduu shaqalaha dawladda ama ciidamada Qaranka ee kala duwan ka tirsan yahay.
  • Caddayn ah in uu bixiyay 40 millyan oo Somaliland Shilin ah, oo debaaji ah isla markaana aan celis lahayn, laguna bixiyo xafiiska cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda.
  • In uu saxeexay xeerarka anshaxa iyo doorashooyinka
  • Waa inuu keeno codsi ah inuu u tartamayo doorashada, caddeeyana inuu buuxiyay shuruudaha xeerku qoray.
  • Murashaxa isku soo sharaxay golaha wakiillada amma golaha degaanka, waxaa uu xaq u leeyahay in uu ka tanaasulo, balse waa inuu qoraal rasmiya u soo gudbiyo xisbigii uu ka sharaxnaa iyo guddida doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta

Shuruudaha looga baahan yahay musharaxa golaha deegaanka ee Somaliland

  • Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Qaranka ee kala duwan rabbana inay u tartamaan golaha wakiillada iyo degaanku waa inay is casilaan 90 cisho ka hor maalinta doorashada loo asteeyay.
  • Kaadhka dhalashada ee muwaadinimada.
  • Kaadhka codbixiyaha oo ah goobta uu ka tartamayo.
  • Caddayn in aanay da’diisu ka yareyn 30-sano.
  • Waraaqda danbi la’aanta.
  • Shahaado jaamacadeed, heerka koobaad ee degree, ah musharixiinta degmooyinka Darajada A, murashixiinta derajada B iyo C na caddayn saddex sano ah ayaa looga baahan yahay.
  • Caddayn cashuur bixiye inuu ka yahay degmada uu ka sharaxan yahay
  • Hanti mood ama nool, oo uu ku leeyahay degmada uu ka sharaxan yahay
  • Waa inuu keeno warqad caddaynaysa inuu bixiyay shan iyo toban milyan oo Somaliland shilin ah, Degmooyinka derajada A, 7-milyan, derajada B iyo C 4-milyan.
  • Warqad caddayn shaqo ka tagid ah hadduu shaqalaha dawladda ama ciidamada Qaranka ee kala duwan ka tirsan yahay.
  • Warqad caafimaad oo caddaynaysa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaan ugudan karo xilkiisa
  • In uu saxeexay xeerarka anshaxa iyo doorashooyinka
  • Waa inuu keeno codsi ah inuu u tartamayo doorashad, caddeeyana inuu buuxiyay shuruudaha xeerku qoray.
  • Murashaxa isku soo sharaxay golaha degaanku amma wakiiladdu waxaa uu xaq u leeyahay in uu ka tanaasulo, balse waa inuu qoraal rasmiya u soo gudbiyo xisbigii uu ka sharaxnaa iyo guddida doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta.

DAAWO FARRIINTA OO MUUQAAL AH:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here