Donald Trump Oo Diiday In Tallaalka COVID-19 La Siiyo Shaqaale Dalabna Diray

0
452

Donald Trump Oo Diiday In Tallaalka COVID-19 La Siiyo Shaqaale Dalabna Diray

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa diiday qorshe ah in saraakiisha aqalka cad ay qaatan talaalka cusub ee cudurka Coronavirus.

Saraakiisha ayaa sheegay in xubnaha sare ee maamulka Trump ay ka mid noqon doonan dadka ugu horreeya ee qaata talaalka Pfizer/BioNTech.

Balse Mr Trump ayaa sheegay inuu dalbaday in la sameeyo qorsha wax looga badelaayo talaalka.Talaalka ayaa 95% ka hortagaayo cudurka Covid-19.

Tallaalkan ay soo saareen shirkadaha Pfizer/BioNtech wuxuu u baahan yahay in lagu keydiyo qabow gaaraya -70C oo cabbirka heer kulka ah, laguna qaado gaari tallaagad leh oo baraf qallalan sido isla-markaana GPS lagula socdo.

Shirkadda sameysay waxay sheegtay 94.5% inuu tallaalkan uu cudurka dadka ka difaacayo,
UK xilliga guga waxay heli doontaa shan malyan oo tallaalkaasi ka mid ah.

30,000 oo qof ayaa tijaabada tallaalkan ka qayb qaatay halka kala bar dadkaasi tallaal ahaan u qaateen barka soo harayna irbad ahaan loo siiyey.

Saddex milyan oo ka mid ah daawadan ayaa la geeyay tobaneeyo xarumood oo ku yaala Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here