Qarax Ciidamo Lagula Eegtay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

0
413

Qarax Ciidamo Lagula Eegtay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

aah faahino ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafad ka tirsan degmada Kaaraan, kaasi oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka ku dhow degmadaas.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa midowga Afrika ee AMISOM, xili ay socdaal ku marayeen xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxa kadib Ciidanka AMISOM ay fureen rasaas badan oo aan weli la ogeyn in dad shacab ah waxyeelo kasoo gaartay , maadaama xiligaas goobta ay ka agdhawaayeen shacab.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in khasaaro ka dhashay qaraxaas uu jiro, waxaana goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya oo gebi ahaan xiray aaga uu qaraxu ka dhacay.

Ciidanka AMISOM ayaa horey sidaan oo kale qarax miino lagula eegtay xaafadda Jamhuuriya ee degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyagoona waxyeelo u geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here