Somaliland Oo Muqdisho U Soo Musaafurisay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

0
762

Somaliland Oo Muqdisho U Soo Musaafurisay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ahna Musharax Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay lagu xiray xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa ayaa saaka laga siidaayay xabsiga.

Warar la helayo ayaa sheegaya in  Somaliland ay Musharax Xildhibaan Dhuxulow u soo musaafurisay Magaalada Muqdisho, isagoona Garoonka diyaaradaha Cigaal kasoo raaci doona diyaar.

Ciidanka amniga garoonka Hargeysa ayaa shalay Mustaf Dhuxulow ka qabtay gudahan Garoonka, kadib markii uu ka degay diyaar uu la socday, isla markaana sidaas xabsiga lagu dhigay Musharaxa.

Ujeedka socdaal Musharax Dhuxulow ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa Casuumad uu ka helay Madax ka tirsan Hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka, sidaasina uu ku tegay halkaas.

Sidoo kale Musharaxa Madxweyne ee Dhuxulow ayaa watay Baasaboor Ingiriis markii uu ka da’ayay Garoonka diyaaradaha Cigaal International ee Magaalada Hargeysa, isla markaana ay qabteen Ciidanka amniga oo markii dambe geliyay xabsi ku yaalla halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here