Dawladaha Midowga Yurub Oo Ka Hadlay Qisaas Somaliland Ku Fulisay Lix Qof

0
935

Dawladaha Midowga Yurub Oo Ka Hadlay Qisaas Somaliland Ku Fulisay Lix Qof

Dawladaha Midowga Yurub ayaa ka hadlay Dil Qisaas ahaa oo Xukuumadda Somaliland Toddobaadkii hore ku fulisay lix Qof.
Dawladaha Midowga Yurub ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen warka ku saabsan dil toogasho oo ah qisaas lagu fuliyay 6 maxbuus oo ku xidhnaa xabsiga Mandheera ee Somaliland, 26kii bishan November, 2020.

Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in Midowga yurub uu mowqif adag ka taagan yahay ciqaabta dilka xaalad kasta oo jirta.
Midowga Yurub ayaa Bayaankooda ku sheegay in aanay Caddayn in Qisaasta loo fuliyey in laga hor-tago dambiyo kale oo dhaca isla-markaana dilka la fuliyey ka faa’iido badan yahay in Maxaabiista lagu hayo Xabsiyada, halkii laga toogan lahaa “Midowga Yurub wuxuu leeyahay Mawif ka dhan ah Ciqaabta dilka ah..” ayaa lagu sheegay Bayaanka ka soo baxay Dalalka Midowga Yurub.

Midowga Yurub wuxuu sheegay in wixii khaladaad ah ama dambi ah ee aan laga hor-tagi karin loo marin karo Nidaamka Sharciga, halkii dilal laga fulin lahaa.

Maaha markii koowaad ee Dawladaha Midowga Yurub ka soo horjeedsadaan Qisaas lagu fuliyey Dad Reer Somaliland oo la mariyey Xadka Islaamka.

 

geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here