Xiisaddii U Dhaxaysay Dalalka Turkiga Iyo Giriigga Oo Mar kale soo Laba kaclaysay.

0
347

Xiisaddii U Dhaxaysay Dalalka Turkiga Iyo Giriigga Oo Mar kale soo Laba kaclaysay.

Ciidamada badda ee Turkiga ayaa sheegay in Markab wax baara oo khilaaf dhanka dhulka ah ka dhex abuuray Turkiga iyo Giriigga dib loogu celin doono biyaha lagu muransan yahay ee badda Mediterranean-ka.

Xiisadda ayaa bilaabatay bishii August markii markabka loo diray inuu qiimeyn ka soo sameeyo dhul ay wada sheegtaan Giriigga, Turkiga iyo Qubrus.

Turkiga ayaa soo celiyay markabkiisa Oruc Reis, bishii September iyadoo ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo khilaafkaas.

Haatan, Ankara ayaa sheegtay in markabkaasi mar kale loo dirayo si uu qiimeyn toban maalmood qaadaneysa uu uga soo sameeyo bariga Mediterranean-ka.

Markabka waxaa sidoo kale wehlin doona labo mar oo kale oo lagu kala magacaabo Ataman iyo Cengiz Han.

Giriigga iyo Turkiga ayaa ka wada tirsan gaashaan-buurta Nato, balse waxaa aalaaba dhex mara khilaaf la xiriira xadka iyo biyaha badda.

Markabka Oruc Reis, iyo labo Markab oo kale oo dagaal ayaa loo diray inay baaritaan ku sameeyaan dhul saliidda iyo gaaska qani ku ah oo ku yaalla koofurta jasiiradda Kastellorizo ee dalka Giriigga.

Horraantii bishan, Midowga Yurub ayaa ku hanjabay in cunaqabateyn uu ku soo rodi doono Turkiga, haddii uusan ka joogin howlaha uu u arko inay sharci darro yihiin ee uu ka wado biyaha ay wada sheegtaan Qubrus iyo Giriigga.

Turkiga ayaa sheegay in hanjabaadda cunaqabateyntu ay tahay mid aan wax soo kordhineynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here