Maxkamada New Zealand oo ku xukuntay Xabsi Daa’in Nin diley Muslimiin badan

0
340

Maxkamada New Zealand oo ku xukuntay Xabsi Daa’in Nin diley Muslimiin badan

Maxkamad ku taal dalka New Zealand ayaa saaka ku dhowaaqday xukunka Brenton Tarrant oo muslimiin cibaadaysanaysa ku laayay dalkaas iyadoo ku xukuntay xabsi daa’in aan cafis lahayn.

Brenton Tarrant ayaa 51 qof oo Muslimiin ahaa ku dilay laba Masaajid oo ku yaala Magaalada Christchurch ee dalka Newzealand, 15-kii bishii March ee sanadkii 2019.

Ka hor inta aan xukunkiisa lagu dhawaaqin ayuu Garsooraha Maxkamadda dhageystay doodihii iyo eedaymihii dacwad-oogaha maxkamadda iyo qareenkii difaacayay.

Mark Zarifeh Garsooraha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay xukun xabsi daa’in ah oo maxkamaddu ku riday Brenton Tarrant oo haysta dhalashada dalka Australia,garsooraha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jiri doonin cafis ninkaasi xabsiga looga sii daayo, xitaa haddii ay noqoto waxa uu ugu yeeray sii deyn-sharafeed, noloshiisa inta ka dhimanna xabsiga ayuu ku dhameysan doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here