Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho ku sii jeeda

0
340

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho ku sii jeeda

Shirarka uga socda Garowe Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed wadajir ah oo looga hadlayo marxalada siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland todobaadka soo socda ay tagi doonaan Muqdisho, halkaasna uu mar kale ka furmi doono wareeg kale oo ah Shir ay isugu imaanayaan DFS iyo DXDF.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa horaantii todobaadkan si wadajir ah u caddeeyay in aanay qeyb ka aheyn, cidna ku matalin shirkii Dhuusamareeb, war murtiyeedkii laga soo saarayna uu ahaa aragti ku koobnaa Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu jiray dalab Madaxweyne Farmaajo ka yimid oo ahaa inuu Garowe ugu yimaado Madaxda Puntland iyo Jubbaland, balse taa bedelkeed ay u sheegeen in iyaga ay Muqdisho imaanayaan.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalinta berri dib ugu laabanayaan Kismaayo, si ay ugu diyaar garoobaan safarka ay Muqdisho ku soo aadayaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shirka uu dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada uu ka dhici doono Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo Xeyndaabka amnigiisa ay sugaan Ciidamada AMISOM.

Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaalo ku saabsan sidii mar kale ay isugu imaan lahaayeen shir ay u dhan yihiin DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isla markaana aragti mideysan uga gaari lahaayeen marxalada kala guurka iyo doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here