Suudaan Oo Maraykanka Ka Codsatay In Uu Ka Saaro Liiska Argagixisada

0
352

Suudaan Oo Maraykanka Ka Codsatay In Uu Ka Saaro Liiska Argagixisada

Raiisel wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdok ayaa sheegay in uu kala hadlay xogyahay arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo boqosho ku tagay dalkaas arrimo ay ka mid yihiin in Suudaan laga saaro liiska dalalka maalgaliya aragagxisada si looga qaado cunaqabateynta

Dalka Sudan ayaa ku jiray liiska wadamada aragagxisada maalgaliyo laga soo bilaabo sanadkii 1990-yadii markii hogaamiyahii Al-Qaacida Osama Bin Laden uu halkaas ku noolaa, isagoo marti u ahaa xukuumadii Madaxweynihii Xukanka la xooga looga tuuray ee Cumar Al-Bashiir.

Dalka Sudan ayaa ka mid ahaa dalalka uu Mareykanka ku daray liiska wadamada taageera argagixisada sida Kuuriyada Waqooyi, Iran iyo Suuriya.

Hogaamiyayaasha Sudan ayaa si aad ah u ugu hamuun qaba in la soo afjjaro cunaqabataynta saaran iyo in liiska laga saaro si ay uga baxdo takoorka dhanka dhaqaalaha ee lagu hayo.

Haddii Sudan laga saaro liiska islamarkana cunaqabataynta laga qaado ayaa waxay fursad u helaysaa inay la macaamisho hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha islamarkana ay soo jiidato maalgashi iyo inay deemo qaadato.

Mid ka mid ah shuruudaha Mareykanka uu ku xiray si Sudan liiska looga saaro ayaa ah inay magdhaw siiso qoysaska 17 askari ee ku dhintay weerarkii ay Al-Qaacida ku qaadeen markabkii USS Cole ee ku sugnaa xeebaha dalka Yemen sanaddii 2000.

Dowladda Sudan ayaa shuruudaasi aqbashay bishii February ee sanadkan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa, Mr Pompeo ayaa ugu baaqay Sudan in ay dib u soo celiyaan xiriirkii kala dhaxeeyay Israa’iil.

Mar sii horeysay, Mr Pompeo waxaa uu sheegay in uu Sudan ku yimid duulimaadkii tooska ahaa ee ugu horeeyay ee u kala goosha Tel Aviv iyo Khartuum, oo ku tilmaamay inay tahay “mid taariikhi ah “.

Waxaa uu xoghayaha arrimaha dibadda isku dayayaa in hormar laga sameeyo oo ay xiriir dhaw yeeshaan Israa’iil iyo dalalka Carabta ee gobolka.
Waxaa uu booqashadisa ku soo maray,Israel, Sudan, Bahreyn iyo dalka Imaaradka Carabta oo iyagu horey heshiis ula gaaray Israa’iil.

Waxaa uu Pompeo ku baaqay dalalka Carabta inay la heshiiyaan Israa’iil.

Mareykanka ayaa gar-wadeen ka ahaa heshiiskii dhexmaray Imaaraadka iyo Israa’iil, islamarkana uu madaxwayne Trump uu si wayn ugu faanay.

” Waxaan aad ugu rejo weenahay in dalalka kale ee Carabta ay ku soo biraan arrintan “, ayuu yiri.

Waa booqashadii ugu horeysay oo muddo 15 sano ah uu ku tago dalka Sudan, islamarkana tan iyo xilligaasi ma wanaagsanayn xiriirka labada dhinac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here