Puntland Oo Muddo Kadib Bilowday Dhageysiga Kiiska Rag Kufsi Geystay

0
301

Puntland Oo Muddo Kadib Bilowday Dhageysiga Kiiska Rag Kufsi Geystay

Maxkamadda darajada 1aad ee Gobalka Nugaal ayaa Maanta oo Arbaco dib u bilowday dhageysiga dacwada Rag lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen fal isugu jiray Dil iyo kufsi loo geystay Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste) oo ka dhacay Magaalada Garoowe.

Kiiskan loo heysto Raggaas oo gaaraya 6 Nin ayaa soo maray heerar kala duwan, waxaana la sheegay inay kasoo baxeen hadalo is khilaafsan, iyadoona dhageysiga Maanta uusan aheyd kii koowaad.

22-ka bishii February ee 2020 ayaa Xeer Ilaaliyaha guud Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan Maxkamadda horteeda ka sheegay in qoyska marxuumad Hodan Shanlayste, dalbadeen in dhegaysiga kiiska dib loogu dhigo mudda 4 maalmood ah.

Intaas kadib mar kale ayay Maxkamadda darajada 1aad ee Gobalka Nugaal dib u bilowday dhageysiga Kiiska ragga loo heysto falka loo geystay marxuumad Hodan Shanlayste, iyadoona xiligaas kadib Maanta la bilaabay dib u dhageysiga Kiisasas.

Si kastaba Allaha u naxariistee Marxuumad Hodan Shanlayse ayaa waxaa aheyd Haweeney xaas ah, waxaana fal isugu jiray dil iyo kufsiga Magaalada Garoowe loogu geystay 11-kii bishii April sanadkii 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here