Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Kufsiga

0
478

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Kufsiga

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta oo tallaado mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa ku yeeshay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulkaas.

Ajendaha kulanka Golaha Wakiilada ayaa waxaa uu ahaa ansixinta xeerka kufsiga iyo Xadgudubyada, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanada ay ka doodadeen.

Xildhibaanda ayaa Cod gacan taag ah u qaaday ku ansixiyay xeerkaas, waxaana ogolaatay 30 Xildhibaan, halka 9 Mudane ay diideen, isla markaana waxaa ka aamusay 5 Xildhibaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Axmed Yaasiin Cali oo kulankii Maanta shir Guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijad Codeynta xeerka kufsiga iyo Xadgudubyada, iyagoona shaaciyay in xeerkaas la ansixiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here