Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Guddiga Komishanka Doorashooyinka

0
371

Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Guddiga Komishanka Doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddida komishanka doorashooyinka Somaliland.

Guddida Komishanka doorashooyinka waxay madaxweynaha uga warbixiyeen hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka, iyagoo xusay inay u bandhigeen xisbiyada, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen.

Madaxweynaha Somaliland, waxa uu ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi uga qabsoomi lahaayeen, isagoo ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka.

Ugu danbayn waxa kulankaas madaxweynaha iyo guddida doorashooyinka isla meel dhigeen in si wada-jira loo wajaho qabsoomidda doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here