Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Guddiga loo xil saaray baarista dhacdadii ka dhacday Xabsiga Dhex

0
438

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Guddiga loo xil saaray baarista dhacdadii ka dhacday Xabsiga Dhex

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleer ayaa kulan la qaatay guddiga loo magaacay inay baaris dhammeystiran ku sameeyaan shaqaaqadii maalin kahor ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo looga hadlay sameynta baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhacdadii Xabsiga dhexe, si loo helo warbixin dhammeystiran oo go’aan lagu qaadan karo, ayaa lagu magacaabay guddi Farsamo oo guddiga kala shaqeeya fududeynta baarintaanka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa guddiga kula dardaarmay inay baaritaanka kusoo gebagebeeyaan 10-ka maalin ee loo qorsheeyay lagu soo saaro natiijada baaritaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here