Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti

0
411

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Deni ayaa kala hadlay Madaxweyne Geelle ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Ganacsiga , maalgashiga iyo guud ahaan horumarka.

Kulanka waxaa Madaxweynayaasha ku weheliyey Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed, Dhinaca Puntland waxaa uga qeybgalay Wasiirka duulista hawada iyo garoomada mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Ganacsiga mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Lataliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka dibedda Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here