Madaxda Maamulada Dalka Oo Kulamo Gaar Gaar Ah Yeeshay

0
501

Madaxda Maamulada Dalka Oo Kulamo Gaar Gaar Ah Yeeshay

Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, kadib markii uu shalay u furmay shirweyne.

Kulanka gaar ah ee xalay yeesheen Madaxweyneyaasha Maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa uu daba socday Shirkii shalay Dhuusamareeb uga furmay, kaasi oo looga hadlay Arrimo kala duwan.

Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kulankii dhacay looga hadlay arrimaha xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo dhaqan geli lahaa qodobadii laga hadlay.

Sidoo kale Afhayeen Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu sheegay in kulamada Madaxweyneyaasha maamulada ay sii socon doonaan, isla markaana markii dhamaadan laga soo saari doono War-murtiyeed lagu heshiiyay.

Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada ayaa shirkii shalay u furmay ka jeediyay Khudbado kala duwan oo inta badan diirada ay ku saareen Arrimaha Doorashooyinka dalka ka dhaca, isla markaana dhamaantood ay ku baaqeen in Doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Maanta ayaa la filayaa in kulamo kale ay yeeshayaan Madaxweyneyaasha maamulada, waxaana amniga Magaalada Dhuusamareeb uu yahay mid siweyn loo adkeeyay, iyadoo sugida amniga ay ka qeyb qaadayan Ciidanka Galmudug iyo Ilaalada la socda Madaxda Maamul Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here