Caro Ka Dhalatay Go’aan Uu Trump Xabsi Uga Badbaadiyay La-Taliye Hore

0
488

Caro Ka Dhalatay Go’aan Uu Trump Xabsi Uga Badbaadiyay La-Taliye Hore

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa dhaliil xooggan kala kulmay go’aan uu xabsi kaga badbaadiyay Roger Stone oo ay muddo badan saaxiib ahaayeen, marna lataliye u ahaa.

Tallaabada Trump ayaa kusoo beegantay waqti yar kadib markii ay maxkamad diidday codsi uu watay Stone oo ahaa in dib loogu dhigo xilliga uu billaabayo xabsiga 40-ka bilood ah ee lagu xukumay.

Waxaa lagu helay dembiyo ah inuu been u sheegay Aqalka Congress-ka iyo inuu wax ka bedelay marqaati fur ka dhan ahaa.

Stone ayaa ahaa qofkii lixaad ee xiriir dhaw la leh Trump ee ay waaxda cadaaladda Maraykanka ku hesho dembi la xiriira baaritaankii ku aaddanaa faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii 2016.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here