Abhishek Bachchan oo asna laga helay Corona iyo qoyska Bachchan oo halis kujiraan!!

0
1095

Abhishek Bachchan oo asna laga helay Corona iyo qoyska Bachchan oo halis kujiraan!!

Daqiiqado kahod waxaan idiin xaqiijinay in Megstar Amitabh Bachchan laga helay caabuqa Covid-19 isaga ayaana Twitter-kiisa ku shaaciyay arinkaas maadana calaamoyinka caabuqa uu isku arkay deg deg ayuuna baaritaan isugu sameeyay Positive ayuuna noqday.

Hadaba markaan waxaa la xaqiijiyay in wiilkiisa Abhishek Bachchan kudhacay Corona daqiiqado kahor ayaa isna laga helay waxaana la dhigi doona isbitaalka oday Bachchan ayaa horey u yiri in qoyskiisa dhamaan baaritaan kus socdo marka ruuxi labaad qoyskiisa laga helay Abhishek ayuu noqday isaga kadib.

Abhishek ayaa asna twitter-kiisa ku shaaciyay arinkaan waxuuna sheegay in isaga iyo aabihiis laga helay caabuqa karantiilna galeen dhamaan dadkii udhowaayena waxuu ugu baaqay inee baaris isku sameyaan.

Dhanka kale waxaa hader baaritaan lagu wadaa Aishwarya Rai Bachchan, Jaya Bachchan iyo dhamaan qoyska xubnihiisa kale waxaa kaloo la sheegay in taleefanadooda laga damiyay mana la oga sababta sidaas loo yeelay balse kahortag ayaan kawadnaa inee kawadaan lama oga sikaste ahaataba waxaa la sheegay in taleefanada laga damiyay wixii war kasoo kordha qoyskan xaalkooda halkaan kala soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here