DEG DEG:- Ciidamada Booliska Somaliland Oo Gurigiisa Ka Soo Xidhay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee G/Awdal

0
598

DEG DEG:- Ciidamada Booliska Somaliland Oo Gurigiisa Ka Soo Xidhay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee G/Awdal

Ciidamada Booliska Somaliland ee ku sugan Magaalada Borama ee Xaruunta Gobolka Awdal ayaa xalay Xabsiga Dhigay Guddoomiyihii Xisbiga Waddani ee Gobolka Awdal.

Ciidamo kamid ah Booliska Somaliland ayaa waxa la sheegey in ay Caawa abaaro Saacadu markay ahayd 2:40am ay hoygiisa udaateen Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Awdal Mudane Maxamed Aadan Suldaan,Ehelada Guddoomiyaha ayaa waxa ay Boramanews U xaqiiyeen in ciidamo kamid ah Ciidanka Somaliland ay caawa guriga ugu daaten Guddoomiyaha isla markaana ay xabsiga dhigeen.

Sidoo Kale Ehelada Gudoomiyaha Ayaa Sheegay In Mudooyinkii Ugu Dambeeyayba Ay Ciidamo Raadiyeen Ka Dib Markii Uu Ka Hadlay Weerarkii Dhawaan Lagu Qaaday Guriga Maayirka Magaalada Borama

ilaa hada ma cada Sababta loo xidhay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Awdal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here